Dowladda Federaalka oo Ciidamo ka dajisay Dhuusaamareeb.

0
619

Dayaarad siday ciidamo ka socda dowladda federaalka ayaa saakay ka dagtay garoonka diyaaradaha ee magaalada Dhuusamareeb.

Dad ku sugan magaalada Dhuusamareeb ayaa Radio Cadaado u xaqiijiyay in ciidamadaas laga qaaday magaalada Muqdisho, waxayna gudaha u galeen magaalada Dhuusamareeb.

Ciidamada saakay la geeyay Dhuusamareeb ayaa kusoo aadaya iyadoo maalin ka hor war-saxaafadeed kasoo baxay hoggaanka sare ee Ahu-Sunna lagu sheegay in ciidamo ka socda dowladda federaalka iyo AMISOM aan la geyn karin Dhuusamareeb.