Guddiga KMG ah ee diyaarinta sharciga doorashooyinka oo Muqdisho kulamo ka bilaabay

0
549

Guddiga KMG ah ee diyaarinta sharciga doorashooyinka qaranka ee Golaha Shacabka ayaa maanta waxa ay Hotelka SYL kula shireen asxaabta siyaasadda ee ka jira dalka.

Kulanka uu guddiga la yeeshay asxaabta siyaasadda ee ka jira waxaa shir gudoominaayay guddomiyaha guddiga KMG ah ee Diyaarinta sharciga doorashooyinka Qaranka ee Golaha Shacabka Xildhibaan Cabdullaahi Abuukar Xaaji.

Ujeedka kulanka ayaa ahaa siddii uu guddiga u dhagaysan lahaa waxyaabaha ay ka qabaan Asxaabta siyaasadda dalka shariciga doorashooyinka qaranka ee uu xilligaan ka gacanka ku haayo diyaarintiisa Guddiga KMG ah ee diyaarinta sharciga doorashooyinka Qaranka ee Golaha Shacabka.

Qaar ka mid ah madaxdii ka socotay Asxaabta siyaasadda ee ka jira dalka ayaa guddiga kaga mahad celiyay sida ay uga talo galiyeen diyaarinta sharciga doorashooyinka qaranka ee haatan horyaalo Golaha shacabka.

Guddiga KMG ah ee diyaarinta sharciga doorashooyinka qaranka ee Golaha Shacabka ayaa maalmihii ugu dambeeyay waxa ay kulamo la yeelanaayay qeebaha kala duwan ee bulshada si ay uga dhageeystaan aragtiyadooda ku aadan sharciga doorashooyinka Qaranka.

Ugu dambeyntii guddiga KMG ah ee diyaarinta sharciga doorashooyinka qaranka iyo asxaabta siyaasadda ee ka jira dalka ayaa ku balamay in ay yeeshaan kulan kale oo ay aragtiyadooda ku aadan sharciga doorashooyinka qaranka uga wada hadlayaan.