Madaxweynihii hore ee Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa walaac ka muujiyay Xaalada maanta uu ku sugan yahay maamulka Galmudug oo dhismihiisa dowladda dhexe ee Soomaaliya ay kasoo martay dhibaato badan.
Guuleed oo ka hadlaayay Magaalada Hobyo ayaa sheegay in maanta Galmudug aysan la heyn meel laga baadi goobo, islamarkaana dhibaato badan ay dhacday oo maamulkii dhibka badan laga soo maray uu meesha ka baxay.
Odayaasha dhaqanka qeybaha kala duwan ee bulshadda ayuu ugu baaqay in ay u istaagaan sidii wax looga qaban lahaa dhibaatada maanta taagan, islamarkaana ay dadaal ku bixiyaan soo celinta iyo dhismaha maamulka Galmudug.
Waxaa uu dowladda dhexe ee Soomaaliya uu ka dalbaday in Odayaasha dhaqanka ay u madax banaaneyso dib u heshiisiinta iyo doorashadda maamulka Galmudug si loo helo maamul dadka ay ku wada qanacsan yihiin.
Hadalka Madaxweynihii hore ee Galmudug ee Guuleed ayaa kusoo beegmaya xilli dowladda dhexe ee Soomaaliya ay Magacowday Guddi dib u heshiisiin ah kuwaasoo ku fashilmay qabashadda Shirka dib u heshiisiinta Galmudug.