Bandow lagu soo rogay guud ahaan dalka Kenya

0
582

Dowladda Kenya ayaa ku dhawaaqday in guud ahaan dalka Kenya lagu soo rogay Bandow laga bilaabo 24 ilaa 31 Bishan August.

Sidda Mas’uuliyiinta Kenya ay xaqiijiyeen Bandowga ayaa yimid ka dib markii dowladda ay sheegtay in guud ahaan dadka kunool dalka Kenya lagu sameyn doono tiro Goob.

Waxa ay sheegtay dowladda in qof walba oo Kenyaan ah la diwangalin doono si loo Ogaado tiradda Guud ee dadka kunool dalka Kenya.

Waxaa laga cabsi qabaa in Al-Shabaab ay weeraro geystaan inta ay socoto duwaangalinta Guud, waxaana sidoo kale Ciidamo dheeraad ah la geeyay Magaalooyinka waa weyn.