Shirka Wadatashiga Siyaasada Tamarta oo ka furmay Baydhabo

0
485

Shirka Wadatashiga Siyaasada Tamarta Dalka ee Maanta ka furmay Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay ayaa Waxaa soo Qaban qaabisey Wasaarada Tamarta iyo kheyraadka Biyaha Dowlada Federaalka Somaliya,waxana kasoo qeyb galay Wasiiradaha Wasaaradaha Tamarta Dowlad Goboleedyada Dalka iyo Kan Dowlada Dhexe ee Soomaaliya.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Somaliya Gudoomiyaha Golaha Shacabka Barlamanka KG,Wasiiro Xildhibaano, Siyaasiyiin iyo ururada Bulshada Qeybaheeda kala Duwan ayaa ka  Qeybgalay Munaasabad kooban oo lagu Daahfurayey Shirka oo ka dhacday Xarunta Ruun jinaad ee Magalada Baydhabo.

Shirkan oo Maalmo ka socon doono Magaalada Baydhabo ayaa looga hadli doona Arimaha Korantada iyo sidii loo Xoojin lahaa sidii Guud ahaan Dalka looga heli lahaa Koronto ku filan walow haatan boqolkiiba 15 ay tahay Isticmaalka Korontada mid hooseysa.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Koonfur Galbeed Cabduqadir Shariif Shekhuna Maye ayaa Bogaadiyey Wasaarada Tamarta iyo Kheyradka Biyaha waxaana uu ugu Baaqay inay Ku Dadaalaan sidii Dalka looga heli lahaa Koronto ku filan.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta gareen ayaa Si toos ah ufurey Shirka waxaana uu Ka hadlay Muhiimada Bulshada ay u leedahay inay helaan Koronto ku Filan.