Wararka naga soo gaaraya Magaalada Beled Xaawo ayaa sheegaya in Odayaashii soo xulay xildhibaannada baarlamaanka federaalka ee Soomaaliya ee ay u yeereen Al-Shabaab kaddibna u tegay in loo diiday inay ku laabtaan degaannada ay dowladda ka arrimiso, ee ay markii hore ka tageen.
19 oday oo ka tegay magaalada Baledxaawo ayaa maamulka magaaladaasi waxa uu u diiday inay magaaladaasi galaaan.
Diiriye Salaad Raage oo ka mid ah odayaasha ayaa sheegay in loo diiday inay dib ugu laabtaan magaaladaasi.
“Wax digniin ah oo ay noo sheegeen ama wax yeerid ah ama ay noo sheegeen inaanan meeshaas aadin ma ay jirto.” ayuu yiri Diiriye Salaad oo la hadlay BBC.
“Haddii aanay naga warqabin oo dad laga kala tegay aan noqonnay oo qofba habeen la qabsanaayo oo la iska gowracaayo aan noqonnay inay na dhibaateeyaan un miyey xaq u leeyihiin.” ayuu yiri Diiriye Salaad.
Culayskan soo food saaray Oday dhaqameedkii soo xulay xildhibaanada ayaa u muuqda laba daran mid dooro, halka wali ay waajibaadkooda ka mid tahay soo xulista xildhibaanada heer federaal iyo heer maamul goboleedba.