Wasaaradda arrimaha gudaha Xukuumada Soomaaliya ayaa sharci daro ku tilmaantay habkii loo soo xulay xildhibaanada baarlamaanka Maamullka Jubbaland.
War Saxaafadeed kasoo baxay Wasaarada ayaa lagu sheegay in aysan aqoonsan doonin Natiijo kaste oo kasoo baxda Doorashooyinka maamulka Jubbaland hadii aysan waafajin Sharciga.
Waxa ay Wasaaraddu sheegtay in Jubbaland laga sameyn doono dib u heshiisin dhab ah oo ay ka qeyb gali doonaan qeybaha kala duwan ee bulshadda.
Warka kasoo baxay Wasaaradda ayaa kusoo beegmaya xilli maanta Kismaayo lagu doortay Guddoonka baarlamaanka dowlad goboleedka Jubbaland.