Magalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose waxaa Maanta gaaray Cabdi Kariin Muuse (Qalbi-dhagax) oo ka mid ah Madaxda Jabhada ONLF,kaas oo hadda ka hor Dowladda Soomaaliya ay ku wareejisay Itoobiya.
Soo dhaweynta Qalbi-dhagax ee kismaayo ayaa waxaa ka qeyb qaatay Masuuliyin katirsan Labada Gole ee Dawlad GobaleedkaJubbaland,Xildhibaano ka tirsan Labada Aqal Dawladda Fadaraalka Somalia, Isimada iyo Waxgaradka jubbaland iyo Shacabka Reer Kismaayo
Intaasi kadib Cabdi kariin Qalbi-dhagax ayaa waxaa la geeyay Guriga Martida ee Magalada Kismaayo,halkaas oo uu kula kulmid oono Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam.
Booqashada uu Maanta Magalada kismaayo ku tegay Cabdi Kariin Muuse (Qalbi-dhagax) ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli Magalada Kismaayo ay ka socdaan olole ku aadan doorashada Guddoonka Baarlamaanka & tan Madaxweynaha.