Madaxweynaha KG oo ka hadlay howlgallada ka socda Shabeellaha Hoose

0
519

Safar Qaatay maalo ujeedkisana uu ahaa ka qeybgalka Aaska Ilaah ha unaxariste Marxuum Eng Cabdiraxmaan Cumar Cismaan yariisow oo Waxyeeladii kasoo gaartay Qaraxii ka dhacay Xarunta Dowlada Hoose Xamar 24 bishii aanu so dhaafnay oo ugu Geeriyoodey Magaalada Dooxa ee Dalka Qadar ujeedka ugu Weyn Madaxweyne Cabdicasiis Lafta gareen usoo gaaray Muqdisho ayaa qeyb ka ahayd ka qeyb galka Aaska Marxuum Eng Yariisow.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed  Cabdicasiis Xasan Maxamed ( Lafta gareen ) ayaa kulamo kala gedisan oo looga hadlayo Arimaha  la qaatay Madaxda ugu sareysa Dalka kaasi oona looga hadlay Amniga, Dhaqaalaha, Cafimaadka Dib u dhiska iyo Qodobo kale.

Gudoomiyaha Golaha Shacabka Barlamanka Soomaliya Amb Maxamed Mursal Shekh Cabdiraxman ayaa qeyb ka ahaa madaxdii uu la kulmay madaxweyne Cabdicasiis Lafta gareen Waxayna qaateen kula saacado qaatay Badankiisa looga hadlay Sidii Xaaladaha ka jira KG Wax looga bedeli lahaa.

Madaxweynaha Dalka Maxamed Cabdulaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Xasan Ali Kheyre ayaa Sido kale Madaxweynaha kulan la qaatay kaasi oo ahaa mid badankiisa Xooga lagu saarayey Arimaha Kajira KG Sida Howlgalada ay Wadaan Ciidanka Xooga Dalka iyo Sidii loo kordhin lahaa loona furi lahaa Wadooyinka Xiran gaar ahaan  Howlgalkii u dambeeyey Ciidanka xooga Dalka ay ku qabsadeen Degmada Owdheegle ee Gobolka Shabeelaha Hoose.

Maanta ayuu dib ugu soo labtay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed ( Lafta gareen ) Magaalada Baydhabo ee Xarunta gobolka baay,waxaana Garoonka Diyaaradaha Shaati gaduud Airport Waxa si diiran ugu soo dhoweeyey Gudoomiyaha Golaha Wakiilada KG Wasiiro Xildhibaano Siyaasiyiin Saraakiisha Ciidanka iyo Shacabka Reer Baydhabo .

Ugu danbeyn wuxuu u mahadceliyey Madaxda iyo Shacabka Soo Dhoweysay Waxaana uu sheegey in Safarka Muqdisho ugu Maqnaa ay ahayd Safar Shaqo isagoona inta muqdisho ku sugnaa ka qeybgalay Aaska Qaran loo Sameyey Marxuum Eng Yariisow.