Qarax Ciidamada Itoobiya lagula eegtay Gobolka Hiiraan

0
580

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax khasaaro kala duwan geystay oo Ciidamo ka tirsan kuwa Itoobiya ee howlgalka AMISOM lagula eegtay deegaano ka tirsan Gobolka Hiiraan.

Qaraxaan oo ahaa Miinada nooca dhulka lagu aaso ah ayaa waxaa uu ka dhacay duleedka deegaanka Halgan ee Gobolka Hiiraan,waxana lala eegtay kolonyo ka tirsan Ciidamada Itoobiya oo ku wajahnaa Saldhig ay ku leeyihii duleedka deegaanka Halgan ee Gobolka Hiiraan.

Weli sirasmi ah looma cadeyn khasaaraha dhimasho iyo midka dhaawac ee Ciidamada Itoobiya kasoo gaaray qaraxaas,hayeeshee Al-Shabaab oo sheegtay mas’uuliyada qaraxa ayaa waxaa ay sheegeen inay ku dileen 2 Askari oo ka tirsanaa Ciidamada Itoobiya.

Waa markii labaad oo sanadkaan gudihiisa Ciidamada Itoobiya qarax lagula eegto qeybo ka mid ah gobolka Hiiraan,waxaana 15-kii Bishii July ee sanadkaan qarax Miino lagula eegtay duleedka Halgan,waxana qaraxaas ay Al-Shabaab sheegeen inay ku dileen 20 askari.