Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa Maanta waxaa ay gareen Magaaladda Johannesburg ee Dalka Koonfur Afrika.
Wafdiga ayaa waxaa soo dhaweeyay Xubno uu ka mid yahay Safiirka Soomaaliya ee dalka Koonfur Afrika Jamaal Maxamed Baroow iyo mas’uuliyiinta Safaarada, iyaga oo sidoo kale halkaasi kulan ku yeeshay.
U jeedka Wafdiga Guddoomiyaha Golaha Shacabka u tageen dalka Koonfur Afrika ayaa waxaa lagu sheegay inay halkaasi uga qeyb geli doonaan Shirka Sanadlaha ah ee Guddoomiyaasha Baarlamaanada Afrika oo todobaadkan halkaasi ka furmi doona.
Kulanka ayaa waxaa diirada lagu saari doonaa arrimo muhim ah oo quseeya qaarada Afrika gaar ahaan dhalinyarada Afrika sidii loogu diyaarin lahaa hoggaaminta Siyaasadda Qaaradda iyo maamulka dhaqaalaha.
Wafdiga Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa inta ay ku sugan yihiin dalkaasi waxaa ay la kulmi doonaan Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalkaas,iyaga oo u gudbin doonaan dhibaatooyinka ay Soomaalida ku Ganacsada dalkaasi la kulmaan.