Muwaadin u dhashay UK oo lasoo taagay Maxkamad ku taalla Muqdisho

0
560

Maxkamadda Gobalka Banaadir  ayaa maanta lasoo taagay Muwaadin u dhashay dalka Ingiriiska oo ku xirnaa Magaalada  Muqdisho tan iyo bishii Janaayo ee sanadkan 2019 ka dib markii ay gacanta ku dhigeen Hay’addaha Ammaanka dowladda Soomaaliya.

Xeer ilaalinta Maxkamadda ayaa kusoo eedeeyay Andrew Braian Irlam in uu carqaladeeyay nabad-gelyadda dadweynaha iyo in uusan ku wargelin laamaha amniga walxo qarxa uu ku watay boorso xili ka duulayay madaarka Aadan Cadde.

Andrew Braian Irlam ayaa maanta kasoo hor Muuqday Maxkamadda gobolka Banaadir waxaana la dhageystay eeda loo heysto eedeysanaha, iyadoo wali Maxkamadda aysan ku dhawaaqin xukunka lagu riday.

Ninkaan aysan suurtagalin Maxkamad lasoo taaggo dhowr jeer, waxaana la sheegay in Hay’addaha Ammaanka dowladda Soomaaliya ay ku wadeen Baaritaano kala duwan.