Guddoonka labada Aqal oo Khudbad u jeediyay Baarlamaanka Puntlan

0
554

Magalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal waxaa Maanta kulankii 23-aad ee ku yeeshay Xubanaha Golaha Wakiilada Dowlad Goboleedka  Puntland.

Kulanka Maanta waxaa ka qeyb galay Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan iyo guddoomiye kuxigeenka 1aaad ee Aqalka Sare Abshir Maxamed Axmed Bukhaari,kuwaas oo dhawaan tegay Magaalada Garoowe.

Guddoomiye Mursal iyo Abshir Bukhaari ayaa waxaa ay kulanka ka jeediyeen khudbad dheer oo ay kaga hadleen sidii ay u wadashaqeyn lahaayeen Baarlamaanka Soomaaliya iyo Golaha Wakiilada Puntland.

Xildhibaannada Puntland ayaa dhankooda waxaa ay su’aalo weeydiiyeen Guddoonka labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya,kuwaas oo inta badan ku saabsanaa Shaqooyinka Baarlamaanka iyo xiriirka dowladda Federaalka & Maamul Goboleedyada.

Dhinaca kale Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan iyo guddoomiye kuxigeenka 1aaad ee Aqalka Sare Abshir Maxamed Axmed Bukhaari ayaa waxaa ay kormeereen Xafiisyada kala duwan ee Golaha Wakiillada Puntland.