RW Khayre oo ka qeyb galay munaasabad la iskugu dhafayey Ciidamadii Ahlusunna iyo Taliska 21-aad.

0
517

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre, ayaa maanta kormeer ugu tegay ciimada xoogga dalka ee ka tirsan guutada 15-aad ee taliska qaybta 21-aad, oo isugu jira ciidamadii dhawaan la qarameeyay ee Ahlusunna iyo ciidamadii qaybta 21-aad ee magaalada Dhuusamareeb.

Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa ciidamada ku bogaadiyay in ay si wadajir ah uga shaqeeyaan midnimada, qarannimada, sugidda amniga iyo howl-gallada kooxaha kasoo horjeeda dowladda looga xoreynayo deegaannada ay uga suganyihiin Galmudug.

Kheyre ayaa si gaar ah ula dardaarmay Taliyaha guutada 15-aad, Gen. Mascuud Maxamed Warsame iyo taliyaha guud ee taliska qeybta 21-aad ee ciidanka xoogga dalka, Gen. Yuusuf Maxamed Cabdulqaadir (Kaanti), waxuuna faray in ay gutaan mas’uuliyadda ka saaran difaaca dhiigga iyo hantida ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa ku nool deegaanada ay u xil saaranyihiin ee bartamaha Soomaaliya.

Xasan Cali Khayre oo sheegay in muhiimad wayn ay dowladda u leedahay tayeynta ciidamada iyo qalabeyntooda ayaa ballan qaaday in si dhaqsa ah loo dhisayo xarunta 21-aad, ciidamadana loo dhammaytirayo dhammaan qalabka iyo tababarrada ay u baahanyihiin si ay awood buuxda ugu yeeshaan fulinta mas’uuliyadda weyn oo dusha ka saaran.