Odayaasha Cadaado oo ku gacanseyray Guddiga dib u heshiisiinta Galmudug.

0
532

Odayaasha dhaqanka degmada Cadaado ee gobolka Galgaduud ayaa kasoo horjeestay inay tagaan magaalada Dhuusamreeb ee xarunta maamulka Galmudug, halkaas oo uu ka furmayo shirka dib-u-heshiisiinta beelaha dega deegaanada maamulka Galmudug .

Odayaasha dhaqanka iyo Guddigii loo xil saaray qaban qaabada shirka dib-u-heshiisiinta Galmudug ayaa kulan ay ku yeesheen magaalada Cadaado waxa uu kusoo dhamaaday fashil, kaddib markii ay Odayaashu ka biya diideen dalabkii guddiga oo ahaay in shirka dib-u-heshiisiinta ee 5-ta bisha nasoo aaddan ka furmaya Dhuusamareeb ay ka qeyb galaan.

Xubnaha guddiga oo safar kaga soo amba baxay magaalada Gaalkacyo ayaa shalay galinkii dambe soo gaaray magaalada Cadaado, waxaana la sheegay in hadda ay ku wajahanyihiin magaalada Dhuusamareeb, kaddib markii ay Odayaasha Cadaado ku qanci waayeen in Dhuusamareeb ay u tagaan ka qeyb galka shirka dib-u-heshiisiinta Galmudug.