Ra’iisul wasaare ku-xigeena Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed ayaa ku qaabay in la dar-dargeliyo wadahadallada dowladda federaalka iyo Somaliland.
Mahdi Guuleed ayaa sheegay in muhiim ay tahay in miiska wadahadalka la isugu yimaado oo wada-hadal dhab ah la galo Somaliland, si looga doodo hannaanka ugu habboon ee looga shaqeyn karo danaha iyo mustaqbalka ummadda Soomaaliyeed.
Hadalka Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka ayaa kusoo aadaya iyadoo Madaxweyne Farmaajo uu bishaan gudeheeda magacaabay Guddiga dhab-u-heshiisiinta iyo wada-hadalka dowladda federaalka iyo Somaliland, si ay uga soo shaqeeyaan tub wadahadal oo xal looga gaaro sooyaalka 30-kii sano ee lasoo dhaafay ka dhexeeyey gobolada Koonfureed ee Soomaaliya iyo Somaliland.