Inta La Xaqiijiyey Hal Ruux Ayaa Ku Geeriyooday Shil Gaari Oo Maanta Ka Dhacay Wadada Xariirisa Wisil Iyo Afgaduudle Ee Gobolka Mudug.
Sidoo Kale Waxaa Dhaawac Ah Saddex Ruux Oo Mid Ka Mkd Ah Dhaawaciisu Aad U Culus Yahay
Gaariga Shilka Ka Galay Ayaa Ka Baxay Deeganka Wisil Waxa Uuna Kusii Jeeday Magaalada Xaaro Oo 35-KM Dhinaca Waqooyi Kaga Beegan Deeganka Wisil Sida Uu Ii Xaqiijiyey Afhayeenka Wisil Yoonis Abshir Daleel.
Saddexda Qof Ee Dhaawaca Ah Labo Ka Mid Ah Ayaa Ah Dumar Kuwaas Oo Uu Soo Gaaray Dhaawac Fudud.
Balse Waxaa Dhaawaciisu Aad U Culus Yahay Nin Oday Ah Da’disu Tahay 80 Jir Kana Mid Ahaa Dadkii Gaariga La Socday.
Ninka Geeriyooday Ayaa Isnaa Ahaa Nin Dhalin-Yarro Ah Oo Ahaa Wadihii Gaariga Shilka Galay.
Afhayeenku Waxa Uu Sheegay In Xattaa Dhaawaca Saddexdan Ruux Aanan Wax Looga Qaban Karin Magaalada Gaalkacyo Ee Xarunta Gobolka Mudug Balse Lagu Qasban Yahay In Loo Qaado Magaalada Caasimadda Ah Ee Muqdisho.
Nuuca Gaariga Shilka Galay Ayaa Ahaa #Pajero Amase Nuuca Soomaalidu U Taqaano Kab Iyo Buudka Waxa Uuna Gaarigu Ka Amba-Baxay Magaalada Wisil Ee Gobolka Mudug.
Inta Badan Wadadan Ayaa waxaa Ka Dhaca Shilalka Muucaan Oo Kale Ah Iyadoona Shilalkaas Loo Aaneeyaa Wadayaasha Oo Gaadiidka Ku Kaxeeya xawaare Saa id Ah Iyo Iyaga Oo Aan Khibrad Fiican U Laheyn Wadista Gaadiidka.
Hoos Ka Dhageyso Wareysiga Afhayeenka Wisil Yoonis Abshir Daleel:-