Dhageyso:- Gu.Ku Golaha Wakiilada Soomaaliland Oo Madaxweyne Ku Gacan Seyray Heshiiskii Uu La Gaaray Hoggaanka Xisbiyada Mucaaradka Ah

0
494

Labo Maalin Ka Hor Shir Saddexda Hoggaamiye Xisbi Ee Soomaaliland Ku Yeesheen Xarunta Madaxtooyada Ee Hargeysa Waxa Ay Ku Go’aamiyeen In Hashiis Rasmi Ah Laga Gaaray Arrinta La Xariirta Doorashooyinka Golaha Wakiilada Iyo Kuwa Kuwa Golaha Deegaanka Ee Soomaaliland.

Balse Durba Heshiiskaas Ay Gaareen Hoggaamiyaasha Xisbiga UCID Wadani Iyo Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Ahna Madaxweynaha Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi Waxaa Ka Hor Yimid Xubno Ka Tirsan Baaarlamanka soomaaliland.

Guddoomiye Ku Xigeenka Koobaad Ee Golaha Wakiilada Soomaaliland Mudane Axmed Yaasiin SH.Cali Ayaanle Ayaa Sheegay In Aanu waxba Soo Kordhineyn Heshiiska Ay Gaareen Saddexda Hoggaamiye Xisbi Sida Uu Hadalka u Dhigay.

Guddoomiye Ku Xigeenku Waxa Uu Tilmaamay In Aanay Jirin Cid Isku Soo Hadal Qaatay Arrinta La Xariirta Saami Qaybsiga Isla-Markaana Ay weli Meesheedii Taagan Tahay.

Waxa Uu Hoosta Ka xarriiqay Iyadoo An Laga Heshiin Arrinta Saamiga Qaybiga Doorashooyinka Aanay Jirin Wax Hagaagaya Iyo Doorasho Ka Qabsoomeysa Soomaaliland.

Si Kastaba hadalkan Kasoo Baxay Ku Xigeenka Koobaad Ee Guddoomiyaha Golaha wakiilada Soomaaliland Ayaa Waxa Uu Imaanayaa Iyadoo Maalinkii Sabtiga Ahaa Aqalka Madaxtooyada Soomaaliland Heshiis Ku Saabsan Arrimaha Doorashooyinka Ay Ku Gaareen Saddexda Hoggaamiye Xisbi Ee Soomaaliland.

 

Hoos ka Dhageyso Codka Guddoomiye Ku Xigeenka Golaha Wakiilada Soomaaliland:-