Wasiirka dhalinyarada iyo Ciyaaradaha Xukuumadda Soomaaliya Khadiijo Maxamed Diiriye oo ku sugan Magaalada Dooxa Isbitaalka lagu dabiibaayo dhaawacyadda ayaa faahfaahin ka bixisay Xaaladda caafimad ee Guddoomiye Yariisow.
Wasiirka ayaa sheegtay in Xaaladda Caafimaad ee Gudoomiye Yariisow ay tahay mid ka fiican sidii horay uu u ahaa Markii laga soo qaaday Magaalada Muqdisho.
Khadiijo ayaa rajo wanaagsan ka muujisay Xaaladda Gudoomiyaha waxaana ay sheegtay in uu soo roonaanayo Gudoomiye Yariisow oo xilliggaan dhaqaatiirtu ay sheegeen in wanaagsan yahay.
Waxa ay sidoo kale sheegtay in dhaawacyadda kale ay ku jiraan kuwa wali liita, islamarkaana intooda badan ay dhaqaatiirku ka muujiyeen rajo wanaagsan.
Gudoomiyaha gobolka Banaadir ayaa dhaawac daran kasoo gaaray Qaraxii lala beegsaday xarunta maamulka gobolka Banaadir.