Hoobiyeyaal kusoo dhacay Xaafado ka tirsan Muqdisho

0
533

Warar la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in hoobiyayaal lala beegsaday meelo aan ka fogayn madaxtooyada Soomaaliya oo ay ka mid yihiin iskuulka 15-ka May, iyo dhismayaal ay deggan yihiin siyaasiyiin.

Jugta hoobiyeyaasha ayaa waxaa laga maqlay degmooyin ka tirsan Gobolkan Banaadir duhurnimadii Maanta, iyaga oo ku dhacay sida la sheegay qeybo ka mid ah degmada Warta-nabada ee Gobolkan Banaadir.

Ilaa hadda ma cadda inuu wax khasaare ah ka dhashay weerarradan oo goor dhowayd ka dhacay Muqdisho,waxana sidoo kale weli ka hadlin hoobiyeyaashaan mas’uuliyiinta Hay’daha Amniga ee dowladda Federaalka Soomaaliya.