-Guddoomiye Mursal oo la kulmay Guddigii uu shalay Magacaabay

0
583

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan iyo ku-xigeenkiisa koobaad mudane Cabdiwali Sheekh Ibraahim Muudey ayaa Maanta kulan la qaatay guddiga diyaarinta ama sameynta sharciga doorashooyinka Qaranka ee maalinkii shalay ahaa la magacaabay.

Xubnaha Guddiga oo ah Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka ayaa guddoomiye Mursal iyo kuxigeenkiisa koowaad waxa ay ka wada hadleen sidii guddiga ay u guda geli lahaayeen dardar gelinta iyo diyaarinta Sharciga doorashooyinka.

Guddoomiyaha ayaa Guddiga waxa uu faray in muddo ku siman lixdan cisho ,waxaana sharcigaan oo ay xukuumadda Federaalka Soomaaliya usoo gudbisay golaha uu muhiimad gaar ah u leeyahay doorashooyinka Dalka ka qabsoomi doona Marka la gaaro 2021-ka.