Guddigii loo xilsaaray Shirka dib u heshiisiinta Galmudug oo gaaray Dhuusamareeb

0
628

Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Gobolka Galgaduud waxaa Maanta gaaray Xubno ka mid ah guddiga dib u heshiisiinta Beeladaha dega Galmudug ee uu dhawaan Magacaabay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya,kuwaas oo ku sugnaa Magalada Muqdisho.

Xubnaha oo ka kooban 7 xubnood ayaa waxaa hoggaaminaya Cabdiraxmaan Macalin Cabdullaahi Baadiyow oo ka mid ah la-taliyeyaasha Xafiiska  Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya ee Arrimaha Nabadeynta iyo Dib u heshiisiinta ayaa waxaa dhuusamareeb kusoo dhaweeyay Xubno ka tirsan maamulka gobolka Galgaduud iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Xubnaha ayaa waxaa la geeyay halka uu degan yahay ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali kheyre Magalada Dhuusamareeb,waxaana la filayaa in Xubnaha Guddiga oo ka kooban 12 xubnood qaarkoodna ay ku sugnaayeen Dhuusamareeb inay la kulmaan Ra’iisul Wasaare Xasan Cali kheyre.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye ayaa la sheegay in Xubnaha ka tirsan guddiga dib u heshiisiinta Beelaha Galmudug ee ku sugnaa Magalada Muqdisho uu ku amray inay si deg deg ah ku tagaan Magalada Dhuusamareeb.

Guddiga ayaa waxaa horyaalla Shaqooyin culus oo ay ka mid yihiin isku keenida Bulshada kala duwan ee ku nool deegaanada Galmudug,waxana xusid mudan in mid ka mid ah beelaha dega deegaanada Galmudug ay sheegeen in guddigaas aysan aqoonsaneyn,isla markaana shirka dib u heshiisiinta oo la filayo in lagu qabto Dhuusamareeb aysan ka qeyb galeyn