Taliyeyaasha Ciidamada oo booqday Xerooyin Ciidan

0
684

Wafdi isugu Jira Wasiir Dowlaha Gaashaandhiga iyo Taliyaasha Ciidanka Qalabka Sida ayaa Maanta Booqdey Xeryaya Ciidamada dowladda ee ku yaalla Gudaha Magalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug.

Taliyaha Xoogga S/Gaas Daahir Aadan (Indha-Qarshe) ayaa Boqolaal Askari oo ka tirsan Ururka Guulwade ee Qaybta 21aad kula hadley Xarunta Bangiga ee Gudaha Gaalkacyo,waxa uuna ku Amaaney  Ciidamadaas isku dhafka ah Shaqada wanaagsan  ay ka qabteen Nabadgalyada Magaalada Gaalkacyo Tan iyo Markii la  aas’aasay.

Sidoo kale Saraakiisha ayaa soo martay Xerada CiidankaBooliska  Gaalkacyo , Xarunta Daraawiishta, Xabsiga dhexe iyo Xarunta Ciidanka Asluubta

Wasiir Dowlaha Gaashaandhiga Maxamed Cali Xagaa ayaa Ugu Dambeyn Amaaney Qaybaha kala duwan ee Ciidanka Amniga sida ay u Guteen waajibkooda iyo Nabada ka Muuqata magaalada Gaalkacyo oo ah mid lagu diirsadey .

Wasiir Dowlaha Gaashaandhiga iyo Taliyaasha Ciidanka Qalabka Sida ayaa horay u tegay Xerooyin ciidan oo ku yaalla Magaalooyinka Dhuusamareeb, Cadaado, Balanballe iyo Cabudwaaq.