Saraakiisha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed ee Jubbaland ayaa soo bandhigay sarkaal sare oo katirsaa Al-shabaab oo dhawaan isa soo dhiibay.
Taliska qeybta 43 Aaad ayaa sheegay in Sarkaal uu isku soo dhiibay Ciidanka dowladda ee ku sugan Aaga jammaame.
Sarkaalkan oo lagu magacaabo Xuseen Xasan ambeerwa ayaa Al-shabaab ka tirsanaa muddo dheer, isagoo sheegay in Shabaab dhexdooda uu ka jiro Khilaaf aad u xooggan.
“Xuseen Xasan ambeerwa oo katirsanaa maleeshiyada shabaab ayaa iskusoo dhiibay ciidanka xooga dalka qeebta 43aad ee ka howlgala nawaaxiga jamaame”ayaa lagu yiri War kasoo baxay Ciidanka Xoogga dalka.
Maalmihii ugu dambeeyay Jubbaland ayaa soo bandhigeysay xubno ay sheegtay in ay ka tirsan yihiin Al-Shabaab.