Maxaa kasoo baxay kulamadda ka socda Gaalkacyo

0
726

Odayaasha iyo siyaasiyiinta gobolka Mudug ayaa  la kulmay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre waxaana ay hor dhigeen qodobo ay ka mid yihiin.

1 in dowlada Somaliya ogolaato soona dhaweyso qodobada kasoo baxa shirka lagu balansan yahay ee Hobyo

2 in dhismaha Galmudug lagu saleeyo awood qeybsiga beelaha

3 Dowladu in horey u burburisay Galmudug hase yeeshee haatan daacad ka noqoto dhismaha Galmudug

Sadexdan qodob ayaa ugu weynaa qobada Khayre hordhigeen odayaasha iyo siyaasiyiinta hase ahaatee kulan kale ayaa caawa lagu balamay si dowlada dhankeeda uga jawaab celiso soo bandhista dhowrkan qodob.