Madaxweynaha Jubbaland oo booqday Xero Ciidan kana hadlay dagaalka Al-Shabaab

0
705

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland  Axmed Maxamed Islaam ayaa Maanta waxaa uu booqday deegaanka Cabdalla Biroole ee Gobolka Jubada Hoose,halkaas oo ay ku sugan yihiin Ciidamo ka tirsan Jubbaland.

Madaxweynaha oo ay wehelinayaan Sarakiisha kala duwan ee Ciidamada iyo xubno kale ayaa halkaas khudbad ugu jeediyay Ciidamada Darawiishta Dowlad Goboleedka Jubbaland,isagoo ku amaanay dadaalka ay ugu jiraan xoraynta Dalka iyo sidii nabadgalyada ay usii adkayn lahayeen.

Madaxweynaha ayaa sheegay in Amaanka ka jira Magaalooyinka waa weyn ay saldhig u yihiin Ciidamada ku sugan Deegaanada fog fog ,waxaana uu intaas ku daray in dhamaan Shacabka reer Jubbaland ay ku jiifaan oo ay yihiin halyeeyo naftooda u huraya daganaanshaha iyo Dowladnimada Jubbaland

“Marwalba dadka Magaalooyinka joogaa niyada ayay idinku hayaan sida aad naftiina ugu hurteen eed cadowga uga hortaagan tihiin” ayuu yiri Madaxweynahu.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa bilihii la soo dhaafay waxaa uu waday dhoolatus Siyaasadeed,xilli dhawaan la filayo in Magalada Kismaayo ay ka dhacdo doorashada Madaxweynaha Jubbaland