Xaaf oo u wakiishay Wasaaradda Arrimaha Gudaha howlaha doorashooyinka iyo dib u heshiisiinta Galmudug

0
564

Xeer uu soo saaray Madaxweyne Xaaf ayuu ku sheegay in markii uu arkay qodobka 50aad farqadiisa 5aad ee Dastuurka Galmudug, baahida loo qabo in dadajiyo arrimaha dib u heshiisiinta iyo doorashooyinka Galmudug iyo markii uu tixgeliyay Xaalada cakiran ee ka taagan Galmudug uu go’aansaday in geeddi socodka doorashooyinka iyo dib u heshiisiinta Galmudug uu u wakiishay Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo dib u heshiisiinta Xukuumadda Soomaaliya.