Xukuumadda Somalia oo shaacisay waxa hortaagan Dhameystirka Dib u eegista Dastuurka

0
630

Wasiir Dastuurka Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Saalax Axmed Jaamac  ayaa ugu horrayn sheegay guulaha laga gaaray howlaha dib-u-eegista Dastuurka iyo sida ay dowladda uga go’antahay in ay dhamaystirto dib-u-eegista Dastuurka dhammaadka sanadkan.

Wasiirka ayaa sheegay in la dhihi karo Dastuurka waa uu dhamaaday balse waxa dhiman ay tahay in madaxda dowladda Federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah ay ka heshiiyaan arrimaha u baahan wada xaajoodyada siyaasadeed.

Sidoo kale, Wasiir Saalax Axmed Jaamac ayaa sheegay in u jeeddada ugu wayn ay tahay in Soomaaliya noqoto dowlad hannaanka Federalka iyo Demoqraadiyaddu si sax ah uga dhaqan gasho, taasna ay ku xirantahay Dastuurka oo la dhamaystiro.

“Si Soomaaliya u noqoto dowlad Federal ah oo demoqraadiyaddu si fiican uga dhaqan gasho, waxaa lagama-maarmaan ah in la dhamaystiro dastuurka” ayuu yiri Wasiir Saalax Axmed Jaamac.

Hadalkaan ayaa Wasiirka Dastuurka Xukuumadda Soomaaliya waxaa uu sheegay xilli uu Magalada Muqdisho kulan uu kula qaatay Wakiilka Xogyaha Guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Mr. James Swan