Magaalada Caabudwaaq ee Gobolka Galguduud ayaa waxaa caawa ka socda dhaqdhaqaaq siyaasadeed oo xooggan oo ku aadan, sidii loo dhameyn lahaa kala qeybsanaanta dowlad goboleedka Galmudug, loona qaban lahaa dib u heshiisiin iyo doorasho lagu soo dhiso dowlad ay dhinacyada u dhanyihiin.
Inta badan xildhibaanada laga soo doorto Caabudwaaq ayaa ku sugan Magaalada , waxaana Caawa halkaasi ka socda kulamo kala duwan oo looga hadlaayo Xaaladda Guud.
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa Caabudwaaq maanta gaaray ayaa kulamo kala duwan leh Madaxda maamulka Galmudug oo ka mid yahay madaxweyne ku xigeenka Galmudug.
Magaalada Caabudwaaq ayaa sidoo kale waxaa ku sugan waxgarad kala yimid degmooyinka maamulka Galmudug, waxaana dhammaantood ay kulamo kala duwan la leeyihiin Madaxweyne kuxigeenka iyo Ra’iisul Wasaare Kheyre.