Madaxweynaha Jubbaland oo Amar-siiyay Hay’adaha Amniga Maamulkaas

0
579

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa si kulul waxa uu uga hadlay dilka xalay ay kooxo hubeysan ay Magalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose ugu geysteen Nabadoon Cabdiqaadir Ibraahim Xasan oo ka mid ahaa waxgaradka deegaanada Jubbaland.

Madaxweynaha ayaa   ayaa tacsi u diray qoyskii iyo eheladii uu ka baxay Alla ha u Naxariistee Nabadoon Cabdiqaadir Ibraahim Xasan oo uu sheegay in ay  Al-Shabaab ay ku dileen Magaalada Kismaayo.

Madaxweynahu wuxuu Alle uga baryay Nabadoonka in Janadii fardowso uu ka waraabiyo isagoo dhinaca kalana Hay’adaha amaanka faray in baaritaan deg deg ah ay sameeyaan gacantana ay kusoo dhigaan kuwii ka danbeeyay falka lagu dilay Alle ha u Naxariistee Nabadoon Cabdiqaadir Ibraahim Xasan.

Nabadoon Cabdiqaadir Ibraahim Xasan ayaa maalmihii la soo dhaafay waxa uu ka mid ahaa Odayaasha Dhaqanka eek u howlan soo xulista xildhibaannda Jubbaland,hayeeshee uu ksoo horjeeday sida lagu soo xulayo Xildhibanada.