Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka oo gaaray Kuwait

0
585

Wafdi Sare oo uu hoggaaminayo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed S/Gaas Dahir Aden Cilmi, ayna qeyb ka yihiin Taliyaha Ciidanka Badda Admiral Cabaas Amin Cali, iyo Taliyaha Hoggaanka Howlgalada Col. Ciise Ahmed Wehliye ayaa booqasho rasmi ah ku gaaray Dalka Kuwait.

Waxaa  ku soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha magaalada Kuwait City e caasimadda Dalkaasi,Madax Sare oo ka tirsan Wasaaradda Difaaca Kuwait, Danjiraha Soomaaliya ee Kuwait Mudane Maxamed Cabdullahi Odawaa iyo saraakiil kale oo Safaaradda JFS ee Kuwait ka ka tirsan.

Wafdigan Sare ee Wasaaradda Difaaca Soomaaliya ayaa inta ay booqashada ku joogaan kuwait waxa ay la kulmi doonaan Madaxda Wasaaradda Difaaca Kuwait, gaar ahan Taliyaha Ciidanka Xooga Kuwait S/Gaas Mohammed Khalid Al- Khadar, iyo Saraakiisha kale ee dhiggooda ah, iyadoo hadafka socdaalkoodu la xiriiro xoojinta iskaashiga difaaca labada dal ee walaalaha ah.

Dowladda Kuwait waxa ay ku jirtaa Dowladaha garab istaagay Soomaaliya intii ay burburka ku jirtay, waxaana sii xoogeysanaya xiriirka laba geesoodka ah ee walaalnimo, iyadoo haatan Kuwait ay xubin ka tahay Golaha Amaanka Qaramada Midoobey, halkaas oo ay mar walba ka muujiso garab istaag diblomaasiyadeed marka laga hadlayo amuuraha Soomaaliya.