Duqa Degmada Gaalkacyo Xirsi Yuusuf bare iyo Taliye ku xigeenka Ciidamada Booliska Galmudug Col-Cabdi Jaamac Cabdulle Xabeeb oo si wadajir ah Warbaahinta kula hadlay Gaalkacyo sheegay in ay socdaan baaritaano sidda ay wax u dhaceen.
Waxa ay sheegeen in ay si weyn uga xun yihiin dil wadareedkii xalay Gaalkacyo loogu geystay dad Shacab ah oo la sheegay in ay kasoo jeeddaan degaanada maamulka Koonfur Galbeed.
Taliyaha ayaa sheegay in ku raadjoogaan kooxii ka damabeyay falkaasi lagu dilay 9 qof iyo dilkii kale ee xalay loo geystay Cali Dhiif oo ka tirsana ciidamada Nabadd Sugid Galmudug.
Ugu dambeyntii Mas’uuliyiinta ayaa sheegay in aysan dhici doonin in Kooxihii geystay dilka Cali Dhiif iyo Shacabka inta badan aysan ku dhuumaaleysan Gaalkacyo, islamarkaana Ciidanka Galmudug ay ku jiraan howlgal weyn oo ka socda Gaalkacyo.