Xaalad kacsanaan ah oo weli ka jirta Baladweyne

0
595

Waxaa weli xaalad kacsanaan ah laga dareemayaa Magalada Bladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan tan iyo markii uu shalay dib ugu soo laabtay Madaxweynaha  Maamulka Hir-Shabeelle Maxamed Cabdi Waare.

Shacabka Magalada ayaa Maanta markale waxa ay dhigayaan banaanbax ay uga soo horjeedaan Madaxweyne Waare, iyaga oo inta badan xiray wadooyinka  waaweyn ee Magaalada Baladweyne,waxaana xiran isku socodka dadka iyo Ganacsiga.

Qaar ka mid ah Shacbaka banaanbaxa dhigaya ayaa waxa ay ku dhawaaqayeen Erayo ay uga soo horjeedaan Maamulka Hir-Shabeelle, iyaga oo sheegay in khalalaaso uu Madaxweyne Maxamed Cabdi Waare ka wado Baladweyne.

Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya ayay ka codsadeen inay soo farageliyaan  xiisada ka jirta Magalada Baladweyne taas oo ka dhalatay xilka qaadistii Guddoomiyihii Maamulka Gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar ( Dabageed) balse uu diiday.