Cabsi ka taagan Magaalada Beledweyne

0
613

Cabsi xooggan ayaa Caawa ka taagan Magaalada Beledweyne xarunta gobolka Hiiraan ka dib markii halkaasi maanta ay ku dagaallameen Ciidanka Booliska Hirshabeelle iyo Ciidan taageersan Gudoomiyihii xilka laga qaaday ee Dabageed.

Qaar ka mid ah dadka degaanka ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in Ciidamo badan oo taabacsan Gudoomiyihii Xilka laga qaaday ay soo galeen Xaafado ka mid ah Magaalada Beledweyne.

Sidoo kalena Ciidamo taabacsan Guddoomiyaha cusub ee gobolka Hiiraan ayaa ku sugan Xaafado ka mid ah Magaalada Beledweyne.

Dadka degaanka ayaa sheegay in ay ka cabsi qaban in ay lagu dul dagaallamo maadaama dagaal Khasaare geystay uu manta ka dhacay Duleedka Magaalada Beledweyne.