Maamulka Puntland ayaa wafdi heer wasiiro ah waxaa ay u direen deegaanka Af-Urur ee Gobolka Bari,halkaas oo dhawaan ay la wareegeen xubno ka tirsan Al-Shabaab.
Ciidamada Puntland ayaa si lama filaan ah waxaa ay uga soo baxeen deegaankaas,waxaana saacado kadib la wareegay xubno ka tirsan Al-Shabaab oo ku sugnaa meel aan ka fogeyn deegaanka Af-Urur.
Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Maaliyadda Puntland Xasan Shire Abgaal ayaa waxaa ay gaareen deegaano ku yaalla Buuraha Galgala oo waxyar u jira deegaanka Af-Urur oo ay weli gacanta ku hayaan Ururka Al-Shabaab.
Wafdiga ayaa waxaa ay haatan kulamo la leeyihiin Saraakiil ka tirsan Ciidamada Puntland oo ku sugan buuraha Galgala,iyaga oo kala hadlaya sidii Al-Shabaab looga saari lahaa deegaanka Af-Urur.
Wasiirka Maaliyadda Puntland Xasan Shire Abgaal oo Warbaahinta la hadlayay ayaa sheegay in Saraakiisha Ciidamada ay isku-afgarteen in si deg deg ah loo qaado dagaal ka dhan ah Al-Shabaabka la wareegay deegaanka Af-Urur.
Deegaanka Af-Urur ayaa waxaa uu ka mid yahay deegaanada muhiimka ah ee Gobolka Bari,waxaaana Al-Shabaab ay qabsadeen markii labaad,iyada oo 8-dii Bishii jube Sanadkii 2017 ay la wareegeen wallow markii dambe isaga baxeen.