Mudaharaadyo looga soo horjeedo sicir-bararka oo ka billowday Liberia

0
602

Kumanaan mudaharaadayaal ah ayaa isugu baxay caasimadda dalka Liberia ee Monrovia kuwaas oo diidan sicir barar meel sare gaaray iyo musuqa wadanka ka jira. Banan-baxyadaan ayaa loo arkaa in ay yihiin tijaabo ku wajahan hogaanka Madaxweyne George Weah.

Weah ayaa ololihiisii ku galay in uu wax ka qabanayo arrimaha hadda ay Dadka Liberia ka cabanayaan, wuxuuna xilka ku guuleeystay 18 billood ka hor.

“George Weah waa in uu dhageeystaa ooyinka dadkiisa”, ayuu yiri Joseph Moore oo 65 sano jir ah kana mid ahaa dadkii mudaharaadayay.

Ku dhawaad 10,000 oo ruux ayaa maray wadooyinka caasimadda, sida ay tabisay Wakaaladda Wararka ee AFP, laakiin  booliiska ayaa sheegay in tiradu ay intaas ka yartahay  oo ay dhantahay 4,000 qof.

Ma jirto war Dowladda kasoo baxay oo ku saabsan waxa ay shacabku ka cabanayaan.