Waxaa Maanta oo Arbaco ah maalintii koowaad laga Ciidayaa deegaano ka tirsan dowlad goboleedka Galmudug,iyada oo shalay ay u aheyd Maalin ay soonayeen Bisha Ramadaan.
Deegaanadaas ayaa waxaa ka mid ah degmooyinka,Dhuusamareeb, Guriceel iyo degmooyin kale oo ka tirsan Galmudug,balse ay gacanta ku hayaan Maamulkii gobolada Dhexe ee ahlusunna oo ku biiray Maamulka Galmudug.
Madaxa Xukuumadda Maamulka Galmudug Maxamed Shaakir Cali Xassan ayaa Hambalyo ku aadan Ciidul Fidriga u diray Shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan Shacabka Reer Galmudug
Sidoo kale waxaa uu Shacabka Reer Galmudug urajeeyay in ay ku Ciidaan Nabad iyo Farxad. Ciidaan ciideeda kalana Alle uu ku gaarsiiyo Nabadgalyo iyo Barwaaqo.
Inta badan deegaanada ay gacanta ku hayaan Maamulkii gobolada Dhexe ee ahlusunna oo ku biiray Maamulka Galmudug ayaa hal Maalin ka dambeeya Dunida kale ee Caalamka Islaamka,waxaana Bishii soon ay bilaabeen Talaado halka dunida kale oo ay Soomaaliya ku jirto laga soomay Maalin Isniin ah.