Dowladda Puntland ayaa nawaaxiga tuulada Sinujiif ee gobolka Nugaal ka bilowday dadaal dib loogu furayo isu’socodka gaadiidka magaalooyinka Garoowe iyo Boosaaso oo hakad ku jiray tan iyo markii ay go’day wadadaasi.
Hawlaha dib u furista wadada ayaa xalay ka bilowday dooxada Midigar ee degaanka Sinujiif halkaasi oo uu ka go’ay laamiga kadib daadad xooggan oo ay ku fataheen roobab mahiiggaana oo gobolka ka da’ay maalmihii la soo dhaafay.
Qorshan ayaa sida la sheegay lagu doonayaa in lagu furo isu’socodka gaadiidka laamiga dheer ee magaalooyinka Garoowe iyo Boosaaso oo mudda xanniban ka hor la bilaabin dib u-hagaajinta iyo dhismaha wadada oo halbowle u ah isku’ xirka degaannada Puntland iyo guud ahaan dalka