Shil Khasaare geystay oo ka dhacay duleedka Hargeysa

0
743

Inta la xaqiijiyay  Hal Qof ayaa ku dhintay, halka mid kalena ku dhaawacmay shil baabuur oo ka dhacay duleedka waqooyi ee Magaalada Hargeysa ee Caasimadda Somaliland.

Ciidanka Dab-demiska ayaa ka hawlgalay shilkaas , waxaana ciidanku Maydkii iyo dhaawacii ba gaarsiiyeen isbitaalka weyn ee Magaalada Hargeysa.

Qofka shilka ku dhintay ayaa ahayd gabadh da’adeedu qiyaas ahaan ahayd labaatan jir, halka qofka dhaawacmay  uu ahaa wiil dhalinyaro ah, isla markaana dhaawaciisu sahlana kana soo gaaray Lugta.

Gaadhiga shilkan sababay ayaa noociisu ahaa Bas ku sii socday degaanka  Daara-salaam ee waqooyiga magaalada hargeysa, waxaana baskaas saarnaa rakaab badan.

Muddo hal todobaad gudahood ayaa ciidanka dab-demisku ka hawlgaleen shilkii labaad ee ka dhaca magaalada hargeysa.