Madaxweyne Farmaajo oo kulamo ka wada Sacuudiga

0
703

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ku sugan dalka Sacuudiga ayaa kulamo gooni gooni ah waxa uu la qaatay Madax ka socota wadamada Carbeed oo ka qeyb galeysa Shirka Ururka Iskaashiga Islaamka.

Madaxweynaha ayaa kulamo gaar gaar ah la qaatay Madaxa Golaha Milatariga Kumeel Gaarka ah ee Suudaan Sarreeye Guud Cabdulfataax al-Burhan iyo Ra’iisul Wasaaraha Qatar Sheekh Cabdullaahi Bin Naasir Bin Khaliifa Al Thani.

Kulanka ayaa waxaa ay uga hadlen Sida loo xoojin lahaa xiriirka ka dhaxeeya Soomaaliya iyo suudaan iyo Soomaaliya iyo Qatar,iyada oo la ogyahay in dowladda Qatar ay ka mid tahay dowladaha sida weyn u taageera Dowladda Soomaaliya.

Sidoo kale Madaxweyen Farmaajo ayaa lagu wadaa in uu Maanta la kulmo madax kale oo ka tirsan kuwa Carbeed ee ku sugan Magalada Makkah Al-Mukaramah ee dalka Sacuudiga,isaga oo kala hadli doona arrimo dhowr ah.