Madaxweynaha Koonfur Afrika Cyril Ramaphosa ayaa ku dhawaaqay golihiisa cusub ee wasiiradda, waxaana uu qaaday tilaabo aan horay looga baran Madaxda Koonfur Afrika oo ah in 50% ay dumar yihiin Wasiiradda Cusub.
Waxaa sidoo kale markii ugu horreysay Golaha Wasiiradda kasoo dhex muuqatay haweenay ka mid aheyd Xisbiga mucaaradka ee dalkaasi ee sida weyn kaga soo horjeeday Siyaasadda Madaxweynaha.
Haweenayda oo lagu Magacaabo Patricia de Lille, ayaa loo Magacaabay wasiirka horumarinta kaabayaasha.
Madaxweynaha ayaa Magacaabay 36 rag ah iyo 28 dumar ah, waxaana uu sheegay in tiradda ka dhiman uu kusoo dari doono oo uu simi doono si looga hortaggo Faquuqa dumarka.
Xisbiga Qaranka Afrikada Dhexe ayaa ku guuleystay doorashadii guud 8-dii Maajo.