Waxaa ku dhawaaqay in uu xilkii iska casilay Gudoomiyihii Magalada Badhan ee Gobolka Sanaag ee Soomaaliland Cali Xuseen Maxamed (Cali yare),isaga oo cadeeyay sababta ka dambeysa is casilaadiisa.
Guddoomiyaha ayaa sababta uu isku casilay waxa uu ku sheegay in lagu amray dagaal lagu qaado deegaanada ay gobolka Sanaag kaga sugan yihiin Ciidamada Puntland,balse taasi uu isaga ka door biday in uu xilka isaga tago.
Laba ka tirsanaa taliyeyaasha Ciidamada Soomaliland ayaa maalma ka hor isaga tegay ciidamada Soomaaliland,iyaga oo diiday amar kasoo baxay taliyaha Guud ee Ciidamada Soomaaliland,waxaana uu sheegay in Go’aankaas uu si la mid ah uu ku raacay.
Warar kale oo la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in kadib cadaadis uu kala kulmay Odayaasha deegaanka iyo Bulshada Magalada badhan,kuwaas oo guddoomiyaha u sheegay in Magalada badhan ay tahay dhul ay leedahay Puntland uu isku casilay.
Tallaabadaan uu isku casilay guddoomiyihii degmada Badhan ee Gobolka Sanaag ayaa kusoo aadaya xilli xiisad u dhaxeysa Soomaaliland iyo Puntland ee ka taagan tahay Gobolka Sanaag,iyada oo Magaaladaas ay ku sugan yihiin guddoomiyaha Barlamaanka Puntland, iyo Xubno uu ka mid yahay Wasiirka Amniga Maamulkaas.