Dag-dag koxo hubaysan oo Qof xoolo dhaqato ah Kudilay bariga Gobolka Galgaduud

0
641

Wararka Aan Ka Helayo Caawa Bariga Gobolka Gal-Gaduud Ayaa Sheegaya In Fiidkii Caawa Rag Hubeysan Ay Nin Xoolo Dhaqato Ah Halkaas Ku Toogteen.

Dilka Ayaa Si Gaar Ah Uga Dhacay Meesha La Yiraahdo faryar Oo Waqooyi Galbeed Kaga Beegan Deegaanka Docoley Ee Gobolka Gal-Gaduud.

Raggii Dilka Geystay Durba Meesha Ayey Isaga Baxsadeen Sida Ay Ii Xaqiijiyeen Dad Ka Ag-Dhaw Goobta Uu Dilku Ka Dhacay Inkastoo Aan La Ii Xaqiijin Tirada Ragga Dilka Geystay.

Inkastoo Aan Rasmiyan La Ogeyn Dilka Marxuumka Geeriyooday Haddana Waxaa Lala Xariirinayaa In Ay Tahay Aano Qabiil.

Allah Ha U Naxariistee Marxuumka La Dilay Ayaa Kasoo Jeeda Beelaha Dega Inta Badan Gobolka Mudug Gaar Ahaana Dhinaca Gal-Mudug Sidoo Kale Ragga Dilka Geystay Ayaa Kasoo Jeeda Beelaha Dega cadaado Iyo Deegaanada Hoos Yimaada.