Xisbiga uu hoggaamiyo Xasan Sheekh oo War kasoo saaray Xaaladda Galmudug

0
677

Xisbiga Qaran ee Midowga Nabadda iyo Horumarka (UPD) wuxuu si dhow ula socdey xaaladda siyaasadeed ee ka taagan Dowlad Goboleedka Galmudug, dooroshada Dowlad Goboleedka Jubaland, xiriirka iskaashiga iyo xoojinta nabadda ee dhawaan dhexmaray Puntland iyo Galmudug iyo khilaafka guud ee sii xoogeystay ee u dhaxeeya Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada ayaa lagu sheegay war kasoo baxay xisbiga UPD oo uu hoggaamiyo Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

“Ka dib markii uu Xisbiga UPD garowsaday in Waajib Qaran ay tahay in mudnaan gaar ah la siiyo lana xalliyo dhammaan arrimaha ku geedaaman khilaafka u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada; ha ahaado khilaaf guud iyo mid u kala gooni gooni ah, ayuu Xisbigu wuxuu soo saaray war-saxaafadeedkan oo ah mowqifka xisbiga si loo gaaro xasillooni siyaasadeed oo suurtagalisa in dalku uu guud ahaan horey ugu socdo” ayaa lagu yiri Warka kasoo baxay xisbiga.