Isbaheysi Siyaasadeed oo looga dhawaaqay Muqdisho

0
644

Kulan ay maanta ku yeesheen Magaalada Muqdisho xildhibaano iyo siyaasiyiin ayay ku dhawaaqeen isbaheysi siyaasadeed oo ay sheegeen in uu qeyb ka noqon doono Xisbiyadda ka qeyb galaya doorashadda 2020-ka.

Saddex xisbi oo ka mid ah Xisbiyadii uu diwaangaliyay Guddiga doorashooyinka Qaranka ayaa ku dhawaaqay in ay Midoobeen sidoo kalena ay la midoobi doonaan xisbiyadda Siyaasadda ee ka jira dalka.

Xisbiyadda maanta Midowbay ayaa waxaa kala hoggaamiya Xildhibaan Sakariye Maxamuud Xaaji, Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan iyo Cabdullaahi Sheekh Xasan.

Xildhibaan Sakariye ayaa sheegay in u jeedka ay u sameysteen Isbaheysi loogu magacdaray Iskaashi ay tahay in la yareeyo Xisbiyadda tiradda badan ee dalka ka jira, islamarkaana la helo tiro kooban oo xisbiyo ah hadana tayo leh.