Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee Somaliland Faysal Cali Waraabe oo maanta dib ugu laabtay Magaalada Hargeysa ayaa sheegay in kulamo uu kula qaatay Magaalada Nairobi Siyaasiyiin Soomaaliyeed u jeedka laga lahaana uu ahaa in laga Takhaluso Madaxweyne Farmaajo.
Waxaa uu sheegay in uu la kulmay Hoggaamiyaha xisbiga wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, islamarkaana waxaa uu sheegay in ay iska kaashan doonaan in meesha laga saaro Madaxweyne Farmaajo.
“Cadawgaaga Cadawgii Waa Saaxiibkaa , Sidii Farmaajo looga Takhalusilahaa ayaan Ka shaqeynaynaa hadaanu nahay Xisbiga Ucid” ayuu yiri Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Faysal Cali Waraabe.
Waxaa uu sheegay in ay jiraan khalkhal Amni oo dowladda Soomaaliya ay ku heyso degaanada maamulka Somaliland,sidaasidarteed ay dadaal ku bixin doonaan dhankooda in ay la kulmaan dadka kasoo horjeedda hoggaaminta Madaxweyne Farmaajo.