DHAGAYSO:-Kenya Oo Carao Dhuunta Goysay iyo Soomaaliya Oo Jawaabo Kasiicaraysnaya Joogta Ugadhigtay

0
607

Siyaasada Guracan Ee Kudhisan Boobka iyo Handadaada Ee Dawlada Kenya Kudoonayso in Danaheeda ay Kaga Fushato Soomaaliya ayaa ah Mid Heehaabaysa iyada Oo Hadba Dawlada Kenya Dhinac isku Dayayso in ay Kasoogasho  Xukuumada Muqdisho.

Dhul , Bad aysan Lahayn iyo Badrool aynan Dood uga Furnayn Oo Mulkiyadeeda Gabi ahaanba Leedahay Soomaaliya ayay Doonaysa in ay Jilaabato Iyada Oo Dunida  Oo dhan Eegayso.

Xayiraado, Safiiro Cayrin ,Duulimaad Joojin,Xumaynta Xiriirka Labada Dal iyo Lasafashada Mucaaradka iyo Maamul Goboleedyada Waa Seef markaan ay Kor u hayso Kenya una Aragto in ay Tahay Mida Kaliya Ee Soomaaliya ay Kaga Guulaysan Karto.

Kenya Waxa ay istusisay in ay Xumayso Xiriirka Dawlada Fidraalka Soomaaliya Lanasafato Maamul Goboleedyada Kalaqaybsanaana Kadhax abuurto Soomaaliya in ay Tahay Wado Loogu Ogolaan Karo Biyaha  iyo Dhulka Soomaaliy Ee ay Doonayso In ay Gacan Marooqsiga Kuqaadato.

Iayada Oo Dalkeeda u Diiday in ay Galaan Xildhibaano iyo Masuuliyiin Kasocda Dawlada Fidraalka Soomaaliya ayay Qaabilaysaa Xubno Kasocda Maamul Goboleedyada iyo Mucaaradka Kasoohorjeeda Dawlada uu Hogaamiyo Madaxwayne farmaajo Oo Aamusnaan iyo Jawaabo Siyaasadeed Oo Laga Fiirsaday Caado Kaga dhigatay Tilaabooyinka ay Qaadayso Dawlada Kenya.

 

Carada Kenya ay U qaaday Soomaaliya ayaa Soobilabatay Markii Lagu qabtay Magaalada Londen Ee Caasimada Dalka UK Kulan Looga Hadlayay Xirmoouinka Shidaal Ee Soomaaliya Oo Laga Sahmiyay Goobo Badan Waxaana Kenya Oo Ladhaka Faarsaneed Dacwada Dhinaca Badaa Ee Kataala Maxkamada Caalamiga Ee Icj  ay Fajac Kunoqotay in Soomaaliya Laga Soosaaro Shidaalk Waxaan ay Go,aansatay in ay Xumayso Xiriirka Labada Dal Waxaase Arintaasi Gacan Siyaasadeed Kuqabtay Dawlada Fidraalka Soomaaliya Oo Jawaabaheeda Lagu Tilmaamay  kuwo ay Kaga Guulaysan Karto Dawlada Kenya.

Quburo Dhina Siyaasada Aad u Falanqeeya Oo iskugu Jira Soomaaliya iyo Ajnabi Waxa ay Sheegayaan in Jawaabaha Soomaaliya ay Yihiin Kuwii ugu Haboonaa Maadama Sida ay Xuseen  Xiriirka Labada Dal oo Xumaada uu dib u dhigayo Dacwada Taala Maxkamada ICJ  Oo 6-Bilood Kadib Maxkamadu Go,aan Kagaari Doonto Kenyana ay Ku andacoon Laheed in Laxaliyo Marka Hore Qilaafka Labada Dal.

 

Xiriiro ,Kulamo iyo Wada shaqayn Dhaw Ayay Kenya Layeelatay Maamul Goboleedka Jubaland Ee uu Hogaamiyo Axmed Madoobe Waxaana ay isla Go,aamiyeen in ay Isla Jiibiyaan Maadaama Axmed Madoobe ay Isku dhacsanyihiin Madaxda Qaranka uuna Doonayo Oo uu Kashaqaynayo Sidii uu Markale Kusoolaabanlahaa Maadaamada ay Dhawdahay Xiliga uu Xilkiisa Dhacayo.

 

Qoraal Todobaadkii Lasoodhaafay uu Daabacay Wargayska The Star Ee Kasoobaxa Dalka Kenya ayaa Sicad u Kashifay Arimo Badan Oo Kenya ay Kuwaynayso Dana ay Kalaheed Soomaaliya Gaar ahaan Jubaland Oo ay Qayb Katahay in Laga Wareejiyay Ciidamada Kenyaanka Goobo Muhiim ah Oo ay Kaga Sugnaayeen magaalada Madaxda Kumeel Gaarkaa Ee Jubaland Kismaayo oo ay Qayb Katahay Garoonka Diyaaradaha Kismaanyo Laguna Wareejiyay Ciidamada Itoobiya iyo In Madaxda Qaranka ay Doonayaan in ay Meesha Kasaaraan Axmed Madoobe Maadaama uu Xulufo Dhaw Layahay Xukuumada Nairobi Ee uu Hogaamiyo Joma Kenyata.

Kenya Waxaa Kale Oo ay Sheegtay in Dawlada Soomaaliya ay Doonayso in Gabi ahaanba ay Dalka Kasaarto Ciidamadeeda  Badalkoodana ay Isticmaasho Ciidamada Dawladaha Ertrea iyo itoobiya Taasina Waxa ay Dhabar jab Kutahay Danaha Kenya Ee Soomaaliya.

Waxa ay Dalkeeda Kenya Kasoocayrisay Safiirka Soomaaliya Ee Nairobi waxa ay Labaxda Safiirkeeda Muqdisho  Iskusocodkii Labada Dal ayaa Qalqal Kujira Sidaasi Oo ay Tahay Kenya iyada oo kutilaabsaday Arimahaasu Dhawraa iyada ayaaba Wali Gubanaysa Oo Kalsooni Daro ay Kahaysaa Go,aamada ay Gaartay.

Hadaba Waxaa Lawada Sigi Doonaa Tilaabada Xigta Ee Xukuumada isku Ciil Kaambinay Boobida Biyaha iyo Dhulka Soomaaliya  Shacabka Soomaaliya ayaa Dhinaca Siyaasada Soomaaliya Ee Dawlada Soomaaliya Kaqadatay Arimaha Kenya Kuqanacsan Tanina Waxa ay Cadayn u Tahay Go,aankii at Kusheegeen Madaxda Qaranka Gaar ahaan  Madaxdwayne Farmaajo ay Kusheegeen in aysan Gor gortan Kagali Doonin Hantida Dadwaynaha iyo Madaxbanaanida Soomaaliya.

W/Q shafici shariif maxamuud