Theresa May Raysal Wasaarihii Ingiriiska oo shaacisay is casilaadeeda

0
626

Waxaa Maanta oo jimce ah ku dhawaaqday inay xilkii iska casishay Ra’iisul Wasaarihii dowladda Ingiriiska Theresa May,kadib markii ay markii kulamo la qaadatay Masuuliyiin ka tirsan xisbigeeda.

Theresa May Raysal Wasaarihii Ingiriiska ee Maanta is casishay ayaa mudooyinkii u dambeysay cadaadis kala kulmeysay qorshaha Britain uga baxayso midowga Yurub oo lagu dhaliilay xukuumaddeeda.

Hadal kooban oo ay Maanta siisay Warbaahinta ayaa waxaa ay ku sheegtay in dadaal farabadan ay sameysay si qorshaha dowladda Ingiriiska ee ka bixitaanka Midowga Yurub uu u hirgalo balse ay guuldaraysteen.

“Hadda waa ay ii caddahay in waxa ugu wanaagsan dalka ay tahay in ra’iisul wasaare cusub uu hoggaamiyo dadaalladan,Sidaas darteed, waxaan maanta ku dhowaaqayaa in aan iska casili doono hoggaaminta xisbiga Conservative-ka laga billaabo 7-da June” ayay tiri May oo ilinta iska celineysa.

Theresa May Raysal Wasaarihii Ingiriiska ayaa xilkaasi qabatay sannadkii 2016 ka dib markii uu is casilay David Cameron, waaana haweenaydii labaad ee Ingiriiska Ra’iisal wasaare ka noqota