Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Hoose Ibraahim Cali Aadan(Najax) ayaa kulan gaar ah waxa uu la qaatay saraakiil ka socotay Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM ee ku sugan Soomaaliya.
Kulanka oo uu qeyb ka ahaa Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya Francisco Madeira ayaa waxaa looga hadlay dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab oo ka socda deegaano ka tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose.
Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Hoose Ibraahim Cali Aadan(Najax) ayaa sheegay in kulanka muhiimdiisa ay aheyd in Sandkaan 2019-ka Gobolka Shabeellaha Hoose laga saaro Al-Shabaab.
“Waxaan kulan muhiim ah qaatay Wakiilka Midowga Africa ahna madaxa Ciidamada Amisom ee Soomaaliya ambassador Francisco Madeira kaas oo looga hadlaayay hawlgallada ka dhanka Al-Shabaab ee kasocda gobolka shabeelaha hoose, Balantu waa ciidamada xoogga dalka Kuwa Amisom uu sanadkaan u noqdo sanadkii shabeelaha hoose dib loo xoreyn lahaa Al-Shabaab ayuu yiri Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Hoose.
Deegaano iyo degmooyin ka tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose qaarkood ayaa waxaa ku sugan Xubno ka tirsan Al-Shabaab,waxaana mararka qaar ay weeraro kusoo qaadaan Saldhigyada ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM,hayeeshee Maamulka Gobolkasi uu sheegay inay Al-Shabaab ka saarayaan guud ahaan Gobolkaas.