Dowladda oo sheegtay in labada Shabeelle ka bilaabanayo howlgal ka dhan ah Al-Shabaab

0
630

Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday howlgal ka dhan ah Al-Shabaab,kaas oo laga fulinayo deegaano iyo degmooyin ka tirsan labada Gobol ee Shabeellaha Dhexe iyo Shabeellaha hoose oo ay ka muulaan Al-Shabaab.

Howlgalkaas waxaa ku dhawaaqay Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Xasan Cali Maxamed (Amar-Dambe), waxaana uu sheegay in dagaalkaan uu noqonayo mid ka duwan kuwii horay u dhexmaray Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM iyo Al-Shabaab.

Waxa uu sheegay in howlgalkaan kaliya ay fulin doonaan Ciidamada dowladda Soomaaliya kaliya,si ay Shabaab uga saaraan labadaasi Gobol,isla markaana ay hoggaamin doonaan Wasiirada, Amniga, Gaashaandhigga iyo Cadaaladda sida uu hadalka u dhigay.

Dowladda Soomaaliya ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa labadii sano oo ay jirtay waxaa ay tira ka dhowr jeer ku dhawaaday dagaal ka dhan ah Al-Shabaab,hayeeshee hadalkiisa uusan weli dhaqan gelin.